Kooxda Macawisleeyda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay gobolka Bakool.

Ciidamada Kooxda la magac-baxdayMacaawiisleey iyo ururka Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee Khamiista Maanta ah waxaa lagu Soo waramayaa inay ku dagaalameen deegaan u dhaxeeya xadka ay wadaagaan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha dhexe oo ay kala Tirsan maamulada Hir-Shabeelle iyo koonfur Galbeed.
Hogaamiyeyaasha Kooxda Macaawiisleyda ayaa sheegay in dagaalka uu yimid,kadib markii ay weerareen Saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali oo ku yaalla xadka Gobolada Hiiraan & Bakool,isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan uu udo qaatay siday Tilmaameen.
Horjoogaha Kooxda Macaawiisleey ee Gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta Gudaha Soomaaliya u sheegay in dagaalkaas ay Shabaab ku gaarsiiyeen khasaaro kala duwan,hayeeshee dhankooda uu hal qof kaga geeriyooday mid kalena kaga dhaawacmay.
Waxaa uu sidoo sheegay in weerarkii ay saakay waaberigii hore ku qaadeen Saldhiga Al-Shabaab ay kusoo qabsadeen lama kamid ah Gaadiidka dagaalka ee Cabdi bilaha loo yaqaano iyo hub farabadan sida uu hadalkiisa u dhigay.
warkaan kasoo Baxay horjoogaha Kooxda Macaawiisleey ee ku aadan in dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan ay Al-Shabaab hub uga qabsadeen ayaaysan weli dhankooda ka hadlin dagaalameyaasha Al-Shabaab sidoo kale Majiro warar madax-banaan oo arintaasi Xaqiijinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here