Kooxda Taliban oo xabad Joojin samaynaysa

Kooxda Taliban ayaa xabbad-joojin 10 maalmood ah la gali doonta Maraykanka si loo yareeyo dagaalada ay kula jiraan ciidamada wadanka Afganistaan.
Maraykanka iyo Kooxda Taliban ayaa wadahadalo ku yeelanayaa Doha si loo soo afjaro dagaalada Afgaanistaan sida ay sheegayaan ilo wareedyo .
Hadii heshiis la gaaro waxay talaabadaan dib u soo nooleyn kartaa rajadii laga qabay in xal waara ah laoga gaaro dagaalka Afgaanistaan.
Kooxaha samaynaya wada-xaajoodka Maraykanka Iyo Taliban ayaa magaalada Doha ku kulmay arbacadi iyo Khamiistii Shalay.
Wadahadalka joojinta xabadda ee u dhaxeeya maleeshiyaadka Taliban iyo Maraykanka ayaa lagu wadaa in lagu soo afjaro dagaalka 18-ka sano jirsaday ee ka socda wadanka Afganistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here