Kooxda Xizbullah oo wacad ku martay inay iska celinayso Israa’iil

Kooxda Xizbullahi ee uu fadhigeedu yahay dalka Lubnaan ayaa wacad ku martay inay ka falcelin doonto daandaansi ay Israa’iil ku eedeyeen.
Madaxa kooxdan Xassan Nasrallah ayaa sheegay inaynan marnaba isaga aamusi doonin weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kaasi oo Israa’iil lala xariiriyay.
Khudbad uu jeediyay ayuu ku sheegay in ka falcelinta howlgalada laga gaysto Lubnaan ay tahay mid la go’aamiyay.
Axaddii hore ayay ahayd markii kooxda Xizbullahi ay Israa’iil ku eedeysay inay ku soo weerartay diyaarado qarax lagu soo rakibay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here