Kooxda Xizbullah oo wacad ku martay inay soo ridayso diyaaradaha Israa’iil

Hoggaamiyaha kooxda Xizbullah Xassan Nasrallah ayaa wacad ku maray inay soo ridayaan diyaaradaha dagaalanka ee Israa’iil haddii ay soo galaan hawada dalka Lubnaan.
Arrintan ayaa timid kaddib markii shalay ay soo baxeen warar sheegaya in laba diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ee Israaiil ay ku dhaceen koonfurta magaalada Beirut.
Madaxa Xizbullahi ayaa intaasi ku daray in diyaaradahaasi soo dhacay ay doonayaan sida uu hadalka u dhigay inay fuliyaan howlgal uu ku tilmaamay ismiidaamin.
Waxaa uu sheegay in laga soo gudbay xilligii Israa’iil ay Lubnaan dueyn jirtay sidaasi awgeed kooxda uu hoggaamiyo aynan marnaba u dulqaadan doonin daandaansi nooc waliba oo uu ahaado.
Hadalka Xassan Nasrallah ayaa yimid kaddib markii mid ka mid ah diyaaradaha ay ku burburtay Lubnaan halka maamulada dalkaasina ay sheegeen in mid labaad ay qaraxday.
Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Al- Xariri ayaa dhankiisa sheegay in diyaaradahaasi ay ku kaceen weerar cad oo ka dhan ah madax bannaanida wadankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here