Kooxo burcad ah oo weerar ku dhaawacay ciidamo ismaamulka Meru

Kooxo hubaysan oo burcad ah ayaa dhaawac u gaystay 10 sarkaal oo boolis iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da isugu jira.
Burcadda ayaa weerartay saldhigga ciidamada ee Mariara galinkii dambe ee shalay.
Ciidamada la dhaawacay ayaa lagu furay rasaas qaar ka mid ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac daran.
Lix sarkaal oo ka tirsan Astu Bullu ay dhaawacyo soo gaareen intii uu socday weerarka waxaana loo qaaday isbitaalka Isio .
Halka Afar sarkaal oo ka tirsan ciidamada GSU-da oo la dhaawacay ayaa iyagana lagu dabiibaya isbitaalka Maua Methodist.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here