Kooxo ku xeeldheer dabaasha oo ka soo jeeda dalka Koonfur Africa oo ku soo biiray raadinta haweenay iyo gabadheeda oo badda Likoni ku maqan

Dad ka soo jeesha dalka koonfur Africa oo si weyn ugu xeeldheer dabaasha ayaa yimid dalka iyagoona ka qeyb qaadanaya hawlgalka ka socda badweynta Hindiya ee deegaanka Likoni ka dib markii ay badda ku dhaceen haweeney iyo gabahdeeda.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa la wadey hawlgalo lagu raadinayo haweeneyda iyo gabadheeda oo badda ku dhacay iyaga oo la socday gaari .
Ciidamada Militiriga ee u qaabilsan dabaasha ayaa iyaguna hawlgalka qeyb ka ah.
Kooxdii ka socoday dalka Koonfur Africa ayaa lagu soo waramaya inay galeen badda haddana jawaab aya alaga sugaya waxa ay kala soo kulmaan gudaha badda.
Dowladda dalka ayaa dadaal xoogan ku bixinaysa sidii loo heli lahaa dadkaas ee badda ku dhacay .
Dhawaan ayay ahayd markii nin u dhashay dalka Sweden la keenay dalka si uu uga qeyb qaato raadinta dadka aan la ogeyn halka ay gudaha badda kaga jiraan .
Ninkaasi reer Sweden ayaa marki dambe la sheegay inuu isaga baxay hawlgalka .
Raadinta dadkaasi ayaa loo adeegsanaya qalabka ticnoolojiyadda.
Waa maalintii 8—aad oo gudaha badweynta Hindiya laga baadigoobaya haweenayda iyo gabahda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here