Koronto la’aan caawa ka jirta qeybo ka mid ah ee Kenya

Koronto la’aan ayaa ka jirta caawa qaybo ka mid ah caasimadda dalka ee Nairobi, Gobolka Rift Valley, Galbeedka dalka iyo Koonfurta Gobolka Nyanza.
Koronto la’aantan ayaa sababtay cilad farsamo oo soo wajahday laba kha doo waaweyn oo Goboladaas u keenaysay korontada.
Shirkadda Korontada ee dalka Kenya Power ayaa Kenyaanka ka raaligalisay ciladda caawa Timid,waxaa ayna sheegtay in shaqaalaheeda ay ku hawlanyihiin dhawaana ay korontada u soo laaban doonto goobaha ay ka maqan tahay.
Kenyaanka ayaa baraha bulshada si weyn arrintan ugu dhaleeceeyay Kenya Power.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here