KRA oo kordhiyeen xiliyada ay shaqeynayaan si Kenyanka ay u bixiyaan canshuurta sanadlaha ah

Mamulka Canshuuradka dalka KRA ayaa haatan waxa ay ku kordhisay xiliyada ay shaqeynayaan si Kenyanka ay u dhameystiraan inay bixiyaan canshuradkooda ka hor inta aan la gaarin 30-ka June oo ah wakhtiga kama dameysta ah.
KRA,ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku shegtay in xafiisyadeeda ay furnaanayaan ila axada.
Macaamisha waxay helayaan adeeg 24-saac, Si tirada badan ee Kenyanka ah ay u dhameystiraan bixinta canshuurta sanadlaha ah.
Adeega canshurta eeinternetka ayaa waxay Kenyanka helayaan inta u dhaxeysa 7-da Subaxnimo ila 9-ka fiidnimo.
Maamulka KRA ayaa ugu yeeray Kenyanka inay adeegsadaan hannanka internetka ee iTax si ay u bixiyaan canshurtooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here