Ku dhawaad 100 ka mid ah siyaasiyiinta Rift Valley oo taageeray warbixinta BBI

Ugu yaraan 97 siyaasiyiin ah oo laga soo doortay ismaamullada gobolka Rift Valley ee dalka ayaa si wadajir ah u taageeray warbixinta uu maalmo ka hor soo bandhigay guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI
Waxay shaaca ka qaadeen in qodobbada ku xusan warbixinta ay yihiin kuwo lagu tixgeliya danaha Kenyaanka.
Go’aanka mas’uuliyiintan ay qaateen ayaa yimid kaddib shir labadii maalmood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Naivasha ee dowlad deegaanka Nakuru.
Madaxdan oo ka soo jeedo 14 ismaamul ayaa hoosta ka xarriiqay inay diyaar u yihiin isbeddel lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan haddii afti loo qaadayo ama uu baarlamaanka wax ka beddelaya labaduba.
Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Kajiado, Katoo ole Metito oo warbaahinta u akhriyay war saxaafadeed ay soo saareen ayaa sheegay inay si gaar ah ula dhaceen soo jeedinta BBI ee arrimaha beeraha, xoolaha nool ee la dhaqdo , midnimada, ammaanka,fursadaha dhalinyarada ay helayaan iyo horumarrada la xiriira bulshada iyo dhaqaalaha wadanka.
Shacabka ay baarlamaanka ku matalaan ayay ugu baaqeen inay u dhaga nuglaadaan codsigii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ee ahaa in qof kasta uu akhriyo warbixinta si loo wada fahmo.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo lagu kala aragti duwan yahay qaabka loo dhaqangelinayo warbixintii uu Kenyaanka la wadaagay guddiiga BBI.
Qaar ka mid ah madaxda dalka ayaa ku adkeysanaya inay lagama maarmaan tahay in la qabto afti ay dadweynaha ka qeyb qaadanayaan.
Waxaa sido kale jiro qaar ka mid ah mas’uuliyiinta oo ku doodaya in baarlamaanka uu isbeddelada la soo jeediyay sameyn karo.
Hasa ahaate guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa xusay in warbixinta sida ay hadda tahay aan baarlamaanka la hor geyn Karin maadaama sida uu hadalka u dhigay aynan hindise sharciyeed ama dokumeenti xeer oo dowladda ka socdo aynan labaduba ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here