Ku dhawaad 1,800 oo qof oo Shiinaha ugu dhimatay caabuqa Coronavirus

Guddiga qaran ee arrimaha caafimaadka dalka Shiinaha ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka ee ilaa iyo hadda u dhintay caabuqa Coronavirus ay gaartay 1,770 qof.
Waxaa shalay tirada dhimasho lagu sheegay 1,665 qof halka 105 kiis oo dheeraad ah oo la soo tabiyay wax ka yar 24 saacadood badankoodu laga diiwaangeliyay gobolka Hubei.
Guud ahaan Shiinaha kiisaska cusub ee la xiriira firuusiga Corona ayaa ah 2,048 halka tirada guud ee dadka uu saameeyay ay gaarayso 70,548.
Dowladda Shiinaha ayaa qaadday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xakameynaya inuu cudur sidaha sii faafo sida in maamulka gobolka Hubei uu waddooyinka ka mamnuucay baabuurta sida gaarka ah loo leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here