SAWIRO:Ku dhawaad 2 bilyan oo lagu qarash gelinaya dib u furka dugsiyada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xariga ka jaray mashruuc ay ku baxayso 1.9 bilyan oo shilin oo loogu diyaar garoobaya sidii dib loogu furi lahaa goobaha waxbarashada.
Waxaa iyadoo mashruucan la adeegsanaya la soo saaraya 650,00 oo ah miisaska ay ardayda isticmaalaan oo lagu sameynayo gudaha dalka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay inay garab siiso farsama yaqaanada wadanka.
Waxaa uu xusay in Kenya aynan marnaba diyaar u ahayn in dalka dibadiisa laga soo dejiyo agab lagu sameyn karo gudaha dalka.
Dugsiyada dalka ayaa la xiray bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan si looga hor tago faafitaanka cudurka COVID19.
Ilaa iyo hadda lama shaacin taariikh rasmi ah oo ay ardayda dib ugu laabanayaan fasallada balse waxaa jiro shuruudo lagu xiray goobaha waxbarashada inay soo buuxiyaan ka hor inta aan howlaha tooska ah ee tacliinta dib loo fasaxin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here