Ku dhawaad 20 arday oo ku dhaawacmay duqeyn laga fuliyay Myanmar

Ugu yaraan 19 arday ah oo dhiganayay dugsiga hoose dhexe ee gobolka Rakhine ee dalka Myanmar ayaa la dhaawacay kaddib gantaal ku soo dhacay iskuulka ay wax ka baranayeen.
Saraakiisha dowlada iyo kooxda fallaagada ayaa labaduba iska fogeeyay inay soo rideen gantalkaasi.
Tan iyo sannadkii bishii Diseembar ee sannadkii 2018-kii waxaa isku dhacyo ay dhexmarayeen ciidamada dawladda iyo fallaagada Buddhist taas oo ay ku barakaceen kumanaan qof.
2017-kii ayay ahayd markii howlgallo milatari oo ciidamada dalka Myanmar ay ka fuliyeen gobolka Rahiine ay ku barakaceen ugu yaraan 730,000 qof oo u badan muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingiya kuwaasoo u cararay dhanka wadanka dariska la ah Bangladesh.
Xildhibaan lagu magacaabo Tun Aung Thein ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay dhacdadan lagu dhaawacay ardayda in kastoo uu xusay inuunan hubin cida ka dambeysay.
Afhayeen u hadlay militiriga dawladda Myanmar ayaa tirada dhaawaca ku qeexay 20 isagoo weerarka ku eedeyay kooxaha fallaagada ah.
Kooxdan ayaa dhankeeda iska fogeeysay eedeymaha iyaga oo sheegay inaynan haysan gantaal noocaas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here