Ku dhawaad 250 qof oo lagu qabatay Dalka Itoobiya ka dib afgambigii dhicisoobay

Sida ay sheegeyso warbaahinta dalkas ,Ku dhawaad 250 qof ayaa lagu qabtay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa iyo magalaada Bahir Dar tan iyo markii isku day afgambi uu dhicisoobay.
Warbaahinta dowlada ma faahfahinin cida la qabtay iyo xiliga la qabtay,Balse afhayenka xisbiga Amxaarada ayaa sheegay in Booliska dalka Itoobiya ayay qabteen 56-Xubnood oo ka tirsan xisbiga amhaarada.
Christian Tadele ,Afhayeenka xisbiga amxaarada ayaa sheegay in Xariga xubnahan ayaa ka dhacay caasimada Addis Ababa. XIsbigan oo ah xisbi ku gaaf wareegan beel ayaa la aas aasay sanadkii tagay.
Xaalada dlakas ayaa kacsaneed tan iyo markii weerar matano ah uu ka dhacay magalada Addisa Ababa iyo Bahir Dar oo ay ku dhinteen madaxa ciidamada milatariga, madaxweyne goboleed iyo seddax sarkaal oo sar sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here