Ku dhawaad 40 qof oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen Japan

Wararka naga soo gaaraya dalka Japan gaar ahaan dhanka Koonfurta galbeed ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in halkaas ay ku dhinteen ku dhawaad 40 qof kaddib roobab xooggan oo da’ay.
Roobabka ayaa waxaa ka dhashay daadad halka webiyada ay qarka u saaran yihiin inay karkaarrada jabsadaan.
Waxaa hadda socdo howlaha samatabixinta.
Ilaa 200,000 oo qof ayaa lagu amray inay guriyahooda ka guuraan sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee Kyodo .
Fatahaadaha ayaa lagu tilmaamay musiibadii ugu darneyd tan iyo sannadkii hore xilligaas oo dufaanta Hagibis ay dishay 90 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here