Ku dhawaad 58,000 oo ah xaaladaha cusub ee corona oo laga xaqiijiyay India

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa xaqiijisay 57,981 xaaladood oo hor leh oo ah COVID19.
Waxay hadda tirada guud ee kiisaska halkaas laga diiwaangeliyay ku dhowyihiin 2.65 milyan.
India ayaa ah wadanka saddexaad ee laga xaqiijiyay tirada ugu badan ee kiisaska corona ee caalamka marka laga soo tago Maraykanka iyo Brazil.
Dhimashada ka dhalatay COVID19 ee India waxaa ku kordhay 941, waxayna hadda dhimashada guud tahay 50,921.
Guud ahaan dunida kiisaska caabuqa ayaa kor u dhaafay 21.6 milyan , In ka badan 13.6 milyan oo qof ayaa cudurka ka caafimaaday halka ay u dhinteen ugu yaraan 774,300 qof sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins .
Dhanka kale dowladda dalka Indonesia ayaa sheegtay inay diiwangelisay dhimasho hor leh oo ka dhalatay cudurka COVID19 oo dhan 57.
Sido kale waxaa halkaas laga diiwaangeliyay xaaladaha fayraska corona oo gaaraya 1,821 .
Kiisaska guud ee caabuqa ee Indonesia ayaa hadda ah 141,370 halka dhimashada guud ay tahay 6,207 waana dhimashada ugu badan ee Koonfurta Bari ee qaaradda Aasiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here