Ku dhawaad 700 oo dibadbaxayaal ah oo lagu qabtay Ruushka

Ciidamada booliska ee dalka Ruushka ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga u taxabeen ku dhawaad 700 oo qof kaddib markii ay dibadbax dhacay ka qeyb qaateen.
Mudaaharaadka oo laga dhigay magaalada Moscow ayaa ahaa mid dadweynaha ay ku dalbanayeen in wadankaasi ay ka dhacdo doorasho madax bannaan.
Dadka ka qeyb galay waxaa ka mid ahayd Lyubov Sobol oo si weyn ugu ololeeysa maamul wanaagga .
Tallaabada saraakiisha ammaanka ay dibadbaxayaasha ku xireen ayaa timid kaddib markii la iska dhaga tiray amar ay ku mamnuuceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here