Ku dhawaad 700 qof oo lagu dilay dagaalka wadamada Armenia iyo Azerbaijan

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka u dhexeya dalalka Armenia iyo Azerbaijan.
Wasaaradda difaaca ee gobolka Nagorno-Karabakh oo ay wadamadan isku hayaan ayaa sheegtay in maanta ay dhinteen 40 qof oo dheeraad ah.
Tirada guud ee ciidamada militari ee dagaalka lagu dilay ayaa hadda ah 673.
Isku dhacyada u dhexeya Armenia iyo Azerbaijan ayaa soo billowday 27-kii bishii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here