Ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo ka mid noqday shakhsiyaad la abaal mariyay

Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Patrick Amoth

Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Patrick Amoth ayaa ka mid noqday 68 qof oo la guddoonsiiyay abaal marin uu bixiyay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Abaal marintan dhawaan la billaabay ayaa loo yaqaanaa Presidential Order of Service Award ama Uzalendo Award waxayna ka turjumaysa u adeegidda shacabka ee waddaniyadda ay ku dheehan tahay.
Dr. Amoth iyo shakhsiyaadka kale ayaa lagu amaanay kaalinta ay ka qaateen xakameynta faafitaanka caabuqa coronavirus.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa boogaadiyay cid kasta oo dhaqaale ku biirisay sanduuqa keydka qaran ee gurmadka ee lagula tacaalayo cudurka Covid-19.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay gabadh 11 sano jir ah oo lagu magacaabo Zawadi Mutua oo bixisay 500 oo shilin iyo maamulaha guud ee bangiga Equity oo bixiyay 300 oo milyan.
Liiska dadka abaal marintan la siiyay waxaa ku jiro Dr .James Mwangi oo ah madaxa bangiga Equity , Jane Karuku oo ah guddoomiyaha guddiga sanduuqa maareeya COVID-19 iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here