Ku xigeenada barasaabyada oo dalbaday in awood dheeraad ah la siiyo

Ku xigeenada guddoomiyaasha ismaamullada dalka ayaa dalbanaya in isbeddel lagu sameeyo sharciga lagu maamulo dowlad deegaanada si ay u helaan awoodo dheeraad ah.
Guddoomiyaha dalladda ku xigeenada barasaabyada Caroline Karugu oo wareysi gaar ah siisay Citizen ayaa sheegtay inay doonayaan inay hoggaamiyaan howlaha ismaamullada ee golayaasha gobollada.
Waxay hoosta ka xarriiqday inaynan dalbanayn mushaar kordhin loo sameeyo balse awood dheeraad ah loo siiyo u adeegidda shacabka.
Sido kale waxay soo jeediyeen in nidaamka dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI lagu caddeeyo kaalinta ay ku leeyihiin maamulka ismaamullada marka laga soo tago inay ku xigeen u yihiin guddoomiyaha.
Sida dastuurka dalka ku qeexan hadii uu banaanaado xafiiska barasaabka tusaale xilka qaadis lagu sameeyay ama uu geeriyoodo waxaa xilka la wareegaya ku xigeenkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here