Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo digniin u diray saraakiisha dafiro amarrada maxkmadda

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa digniin adag u diray shaqaalaha dowladda ee aan u hoggaansamin amararda ka soo baxo maxkamadaha.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in Kenya ay tahay dal uu ka jiro nidaamka kala dambeynta ee wax lagu maamulo iyo dastuur cid ka sarreysa aynan jirin.
Ruto ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu u hoggaansamo amarrada maxkamadda sidaas awgeedna aan loo baahneyn in sarkaal dowladeed uu dafiro ama fududaysto.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay in mas’uulkii aan ku tallaaba qaadin amar maxkamadda ka soo baxay si shakhsi ah loola xisaabtamayo.
Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaanka deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu Moses Kuria saacado dheeraad ah lagu hayay saldhigga booliska ee xaafadda Kilimani ee magaaladatani Nairobi in kastoo maxkamadda ay amartay in damiin lagu daayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here