Ku xigeenka xoghayaha Jubilee oo dhaliilay heshiisiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee ahna xildhibaanka deegaanka Soi Caleb Kositany ayaa sheegay inaan loo baahneyn in la heshiisiiyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.
Tani ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah warbaahinta wadanka ay tabisay inay jiraan dadaalo ay wadaan madaxda kasiinadaha oo xal loogu raadinaya kala duwanaanshaha u dhexeya labada mas’uul ee ugu sarreeya Kenya.
Mudanaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Kenyaanka ay u baahan yihiin oo keliya xal u helidda dhibaatooyinka haysta.
Wuxuu intaa ku daray in madaxweynaha uu horay ula heshiiyay madaxa mucaaradka ee ODM, Raila Odinga.
Mr. Caleb ayaa ku nuuxnuuxsaday in hadii uu William Ruto yahay uu dalban lahaa in qadarin loo muujiyo maadaama uu yahay madaxweyne ku xigeenka dalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here