Kufsi wadareed loo geystay laba gabdhood deegaanka Nyando

Booliska deegaanka Nyando ee ismaamulka Kisumu ayaa lagu wargeliyay in si deg deg ay dabagal ugu sameeyaan 10 wiilal oo dhaliyaro ah kuwaas oo la sheegay inay kufsi wadareed u geysteen laba gabdhood.
Labada gabdhood ayay wararku sheegayaan in wadada loo galay xalay fiidkii xilli ay u sii socdeen guryahooda.
Madaxa xarunta isku duwidda cadaaladda ee deegaanka Nyando Caren Omanga ayaa sheegtay in labada gabdhood haatan lagu daaweenaya isbitaalka Ahero islamarkaana ay ka soo kabanayaan dhibatadii loo gaystay.
Waxay dhanka kale xustay in labada gabdhood ay aqoonsadeen mid ka mid ah wiilasha falka gaystay waxaana haatan ay saraakiisa ku raad joogaan eedeysane la aqoonsaday si marka gacanta lagu soo dhigo uu uga caawiyo in tuhmanayaasha kale la soo qabto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here