Kulamada tooska ah ee aqalka sare oo la hakiyay

Aqalka sare ee dalka ayaa muddo hal bil ah hakiyay kulamada caadiga ah ee uu yeesho si looga hor tago faafitaanka caabuqa corona.
Guddoomiyaha aqalka sare Mr. Ken Lusaka ayaa sheegay in go’aankan lagu saleeyay cabsi laga qabo in senetarada iyo shaqaalaha senate-ka uu dhexdooda ku faafo cudurka COVID19.
Mr. Lusaka ayaa intaa ku daray inuu jiro guddi iskudhaf ah oo ka shaqeynaya in kulamada qaab online ah loo qabto.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay xaaladaha coronavirus oo gaaraya 21,363 kaddib markii shalay la shaaciyay 727 kiisas dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here