Kulamadii BBI-da oo dib loo dhigay

Waxaa la hakiyay dhamaan isku soo baxyadii ay qabanayaan gudiga dib u heshiisiinta ee dalka BBI-da si sharaf loogu muujiyo madaxweynihii labaad ee dalka oo shalay geeriyooday.
Xog’hayaha gudiga dib u heshiisiinta shacabka Kenyaanka Paul Mwangi ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Moi isagoona sheegay in maalmaha soo socda la shaacin doono waqtika la qaban doono isku soo baxyada BBI-da.
Shalay subax ayay ahayd markii ay Kenyaanka ku soo kaceen geerida madaxweynihii hore ee dalka Daniel Arap Moi.
Hogaamiyahaan hore ayaa shalay ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital isagoo in muddo ah halkaasi daaweyn ka qaadanayay.
Senetarka ismaamulka Makueni Mutula Kalanozo Jr ayaa sheegay in isku soo baxyadii BBI-da lagu qaban lahaa Wote ee ismaamulkaas la joojiyay waqti aan rasmi ahayn si loogu baroordiiqo Madaxweynihii hore ee dalka.
Sido kale hogaamiyaha aqlabiyadda aqalka senetka dalka Kibchumba Marukumen ayaa sheegay in la joojiyay isku soo baxyadii ay kooxda Tanga Tanga ku qaban lahayeen Nakuru Sabtiga soo socota si xushmad loogu muujiye madaxweynihii geeriyooday.
Kenya ayaa waxaa loo baroordiiqaya madaxweynihii labaad ee dalka soo maaray iyadoo ay dowladda qorshaynayso aas qaran oo ay kaalin weyn ka qateen militiriga dalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here