Kulamo hor dhac ah oo Dhuusamareeb ka socda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan hordhac u ah Shirka wadatashiga Dhuusamareeb waxa uu la qaatay madaxweyneyaasha maamulada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.
Madaxda oo iska xog wareystay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo amni ayaa wadajir u cambaareeyey weerarkii Al-Shabaab ay ka fuliyeen mid ka mid ah hoteellada loo dalxiis tago ee ku yaalada Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxayna uga tacsiyeeyeen qoysaska, ehelada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed muwaadiniinta geeriyootay.
Sidoo kale, madaxda ayaa adkeeyey muhiimadda ay midnimadu iyo wadajirku u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dib u dhiska ciidamada qalabka Sida iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee hormarka dalka.
Maaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya uu galayo dhamaadka Sanadkaan ilaa bilowda Sanadka Soo aada ee 2021-ka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyo magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kula kulmay madaxda maamulada, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed, iyadoo kulamadaasi waxyaabihii kasoo baxay Saxaafadda aan lala wadaagin.
Lama oga waqtiga uu si rasmi ah u furmi doono Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb, iyadoo xubnaha beesha Caalamka ay cadaadis ku saarayaan madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland inay tagaan Dhuusamareeb si ay kaga qayb galaan kulankaas lagu jaangoynayo nooca doorasho ee dalka Soomaaliya ka dhici karta Xiligaan kala guurka.
War-Saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa waxaa lagu cadeeya mowqifkooda ku aadan ka qeyb-galka Shirka madaxda dowlad goboleedyada uga furmaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Puntland waxaa ay sheegtay in ay marka hore bogaadibeyso qodobadii ka soo baxay shirarkii hore uga dhacay magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale ay ka xun tahay go’aankii shari darada ahaa ee golaha shacabka ay ku rideen Xukuumaddii ra’iisul wasaare Kheyre.
Dhanka kale war-daxaafadedka ka soo baxay Puntland oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu taageeray hadalkii shalay kasoo baxay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, iyadoo shuruud lagu xiray ka qeyb-galka Puntland ee Shirka magaalada Dhuusamareeb.
Puntland ayaa soo bandhigtay sababaha ay ku diiday ka qeyb-galka wajiga Saddexaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb 5 Saharuudood oo ku saabsan xaaladda dalka iyo go’aamada kasoo bixi kara shirka oo kala ah.
1: In Baarlamaanka ay si aan sharci aheyn u rideen xukuumadii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre.
2: In Madaxweynaha si aan waafaqsaneyn dastuurka uu u magacaabay sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha taas oo Puntland sheegtay inay ka soo horjeedo qodobka 103-aad ee dastuurka kumeel gaarka Soomaaliya
3: In madaxweynaha uu si farsamo ahaan ah u daahiyay soo magacaabista ra’iisul wasaaraha si aysan u hirgelin is-afgaradkii Dhuusamareeb 2 iyo qabsoomida Dhuusamareeb 3 sida war-saxaafadeedka Puntland ka soo baxay lagu sheegay.
4: Puntland waxay dowladda dhexe ku eedaysay in si la tashi la’aan ah ay isugu gaar yeeshay talada iyo tirada guddiga farsamada ee ka talo bixinta arrimaha doorashooyinka.
5: In khudbadii madaxweynaha Soomalaiya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ka jeediyay kulankii baarlamaanka ay aheyd mid muujineysa sida ay madaxweynaha uga go’an tahay waxa lagu tilmaamay marin habaabinta dadaalada ay dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka wadaa ee ku aadan in si isla ogol ah looga wada shaqeeyo qabsoomida doorashada 2021.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here