Kulamo kala duwan oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad goboleedyada dalka Soomaaliya kuwaas oo halkaasi u tegay shir gaar ah oo ay yeelanayaan.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada , Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Hir-Shabeelle.
Kulanka ayaa ahaa mid gogol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo beri si rasmi ah uga furmaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, kaas oo diyaar garoowgiisa haatan siwyen looga dareemayo halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here