Kulamo siyaasadeed oo ka socda magaalada Jowhar

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay kulan Mahad celin ah la qaatay Duubabka Dhaqanka oo door muhiim ah ka qaatay xulista Xildhibaannada labaad ee Maamulka Hir-Shabeelle.
Kulanka ayaa waxaa goobjog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji, Ku Xigeenkiisa 1aad Siraaji Sheekh Isaaq Codey iyo ku xigeenkiisa 2aad Mahad Xassan Cusmaan iyo Xubno kale.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha dhismaha Hir-Shabeelle oo meel geba-gabo ah maraya, isla markaana looga Shaqeyn lahaa sidii ay u dhici laheyd doorashada Hir-Shabeelle.
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle u sheegay in uu kala Shaqeyn doono dhameystirka inta ka harsan doorashooyinka Hir-Shabeelle loogana baahan yahay inay kaalintooda qaataan.
Maalinta Arbacadaha ah ee todobaadkaan ayaa waxaa la filayaa in Magaalada jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle in lagu qabto doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle, waxaana ilaa iyo hadda musharixiinta la saadaalinayo in la doorto kamid ah Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here