Kulan dastuurka Soomaaliya looga hadlayo oo Dhuusamareeb ka furmay

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Dastuurka,Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta kulan wada jir ah kula yeeshay magaalada dhuusamareeb ee caasimadda galmudug labada gole ee xukuumadda iyo baarlamaanka Galmudug iyo Bulshada rayidka ee deegaanadaaasi.
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in la helo aragtida Maamulka galmudug ee ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay iyo kuwa harsan maadaama wasaaradda Dastuurka & Xubnaha u xilsaaran ay wadaan wadatashiyo kala duwan.
Sidoo kale Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa la filayaa inay la kulmaan hoggaanka Sare ee Galmudug, sidoo kalena ay tagaan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Xubnaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka Soomaaliya waxaay wadeen latashiyo kala duwan, iyagoo wufuud kala duwan u diray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug & Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here