Kulan ku saabsan cudurka COVID-19 oo maalinkii labaad la qabanaya

Waxaa maalinkii labaad magaalada Nairobi lagu qabanayaa shir looga arrinsanaya kiisaska caabuqa corona ee ku kordhay gudaha dalka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in shirkan degdegga ah lagu eegi doono tabashooyinka dhakhaatiirta.
Waxaa kulanka yeelanaya xubnaha guddiga qaran ee qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga ah ee (NERC) oo si gaar ah diiradda u saari doono daryeelka ay u baahan yihiin howlwadeenada caafimaadka sida musharaadka, gunnooyinka iyo agabka ay isaga difaaci karaan xanuunka ee PPEs.
Shirka ayaa ku soo aadaya iyadoo xubnaha ururka dhakhaatiirta ee KMPDU ay wacad ku mareen in ay 21 cisho kaddib shaqo joojin sameynayaan hadii aynan dowladdu tixgelin tabashooyin ay qabaan.
Dowladda ayay ku eedeynayaan inay dayacday oo aysan siin agab ku filan oo ay kula dagaalami karaan cudurka COVID-19.
Xoghayaha guud ee KMPDU , Chibanzi Mwachonda ayaa sheegay in sideedii bilood ee ugu dambeysay ay xiriiro la sameynayaan dhammaan wasaaradaha iyo waaxyaha dowladda , golaha guddoomiyaasha ismaamullada ee CoG iyo baarlamaanka.
Waxaa uu maalinkii Axadda ,xoghayaha soo saaray ilaa toddobo qodob oo ay dalbanayaan in la fuliyo waxayna kala yihiin.
In dhammaan isbitaallada ku yaalla wadanka loo qaybiyo agabka PPES ee looga badbaado cudurka oo tayo ahaan wanaagsan sidoo kalena ku filan dhakhaatiirta.
In howlwadeenada oo dhan ay helaan caymiska caafimaad oo dhameystiran.
In magdhow la siiyo , in la shaqaaleysiiyo 2000 oo dhakhaatiir ah oo aan hadda shaqeyn sidoo kalena dib u eegis lagu sameeyo qandaraaska shaqada ee dhakhaatiirta oo laga dhigo mid joogto ah oo ay qaadanayaan lacagta howlgabka,in la xoojiyo lacagaha gunnooyinka ee la xiriira halista dhanka shaqada, xarumo caafimaad oo loogu talagalay saraakiisha caafimaadka ee dhammaan ismaamullada iyo in la soo dhiso guddi dastuuri oo qaabilsan adeegyada caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here