Kulan looga hadlayay amaanka doorashada Soomaaliya oo Uganda lagu qabtay.

Waxaa Maanta Magalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda ka furmay shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya si gaar ah arimaha la xiriira sugida Amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.
Shirkaan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay Guddiga qaran ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika.
Kulankaan waxaa Soomaaliya uga qeyb galeysa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey,waxaana sidoo kale kala qaybgalaya dhigeed dalka Uganda Xildhibaano, Agaasimayaal Wasaaradaha heer fedeeral & Wasiirada Amniga Heer Maamul Goboleed.
Kulankaan ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saarayaa qaabka ugu wanaagsan ee qabsoomida doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya, kadib marka ay waqtigooda dhamaystaan Madaxda hadda xilalka haya iyo sidii ciidamada Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ku sugan uga qeyb qaadan lahaayeen sugida Amniga Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka qaranku.
Dhanka kale waxaa isna maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir kale oo ay soo qaban qaabisay wasaarada xanaanada Xoolaha Dowlada Soomaaliya.
Shirkaan waxaa ka qablaya masuuliyiinta wasaarada xanaanada Xoolaha,maamul goboleedayada ayhada beeraha aduunka ee Foa iyo bankiga aduunka.
Wasiirka wasaarada Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in shirka diirada lagu saaraya iibgaynta xoolaha Soomaaliya beeraha iyo qodobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here