Kulan looga hadlayo amniga doorashada Soomaaliya oo muqdisho ka dhacay

Shir ku saabsan amniga doorashooyinka ayaa ka dhacay xarunta Xalane ee Muqdisho, waxaana looga dooday sidii loo sugi lahaa goobaha lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka Ammaankooda.
Shirkaan waxaa qeyb galay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo dowladda Mareykanka.
La taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Cabdisaciid Cali ayaa sheegay in shirka looga hadlay in maamul goboleedyada ay ku suggaan Amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dowladda dhexena ay taageero siiso.
Waxaa uu tilmaamay in shirkaan looga hadlay sidii beesha Caalamka ay taageero u siin laheyd Hay’addaha Ammaanka inta lagu gudajiro Arrimaha doorashooyinka.
Doorashada Xildhibaanada labada Aqal oo bilaaban doonta dhammaanka Sannadkaan ayaa lagu wadaa in lagu qabto maamul goboleed kaste labo Magaalo, oo suggida Amniga ay iska kaashan doonaan AMISOM, Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here