Kulan looga hadlayo xasilinta gobolka shabeelada Hoose oo Muqdisho ka furmay.

shirka looga hadlayay Xasilinta Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka Furmay Magalaada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaana ka qayba galay dhinacyo kala duwan.
Kulankaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha dowlada Federaalka iyo tan Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaana si aad ah la iskula eegayaa arimaha Degmada Awdheegle iyo deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo dhawaan ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala wareegeen AL-shabab.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose Iyo Dib U Heshiisiinta maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Mustaf Sheikh Abdulaahi Adaf ayaa aad ugu hadlay qodobada la xiriira xasilinta gobolka shabeelaha hoose Degmooyinka iyo deegaanada dhawaan Lagala Wareegay Al-Shabaab.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wakiilo ka socda Hay’adaha ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.
kulankaan ayaa inta uu socdo waxaa la filayaa in looga hadlo sidii loo xasilin lahaa Amniga deegaannada Koonfur Galbeed,sidoo kalena qorshooyin cad loogu keeni lahaa deegaannadii ay la wareegeen Ciidamada Dowladda,waxana uu socon doonaa mudo sadex Cishe ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here