Kulan u dhexeya madaxweynaha dalka iyo barasaabyada oo hadda socdo

Waxaa weli socdo kulan ay yeelanayaan hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxda ismaamullada wadanka.
Shirkan ayaa lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn waana midkii shanaad ee labada dhinac dhex maro.
Shirkan ayaa la filayay inuu qabsoomo maalinkii Jimcaha ee toddobaadkii tagay ka hor inta aan dib loo dhigin.
Kulanka maanta dhacaya ayaa la filayaa in laga soo saaro tallaabooyin dheeraad oo lagu xakameynaya faafitaanka cudurka .
Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada ee COG ahna hoggaamiyaha dowladda deegaanka Kakamega ee galbeedka dalka Wycliffe Oparanya ayaa qoraal uu dhawaan soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in qaab online ah looga qeybgalaya kulanka oo uu shir guddoominaya Mr. Uhuru Kenyatta .
Waxaa uu ku soo aadaya iyadoo qaar ka mid ah ismaamullada dalka aynan buuxin shardi lagu xiray oo ahaa inay diyaariyaan ugu yaraan 300 oo sariirro gaar u ah bukaannada uu cudurka soo rito.
Ujeedka shirka ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyo wax ka qabashada cudurka COVID19 kaddib markii kiisaska la xiriira ay sii kordheen.
Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay shaacisay 960 oo xaalado cusub ah.
Tirada guud ee kiisaska fayraska corona ee ilaa iyo bishii saddexaad ee sannadkan laga xaqiijiyay gudaha wadanka ayaa ah 17,603.
Dadka caafimaaday waxay tiradoodu tahay 7,743 halka dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka COVID19 gudaha dalka ay marayso 280.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu galinka dambe ee maanta jeediyo khudbad qaran oo ku saabsan waxyaabaha ay isku afgarteen isaga iyo barasaabyada iyo tallaabooyinka dowladda ee ka dhanka ah COVID19.
Mr. Oparanya ayaa sheegay inay hoggaamiyaha wadanka kala hadlayaan qaybsashada dakhliga qaran iyo dib u soo noleynta dhaqaalaha .
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inaynan marnab ku talinayn in wadanka lagu soo rogo xayiraad buuxda oo dhanka isku socodka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here