Kulanka dib u eegista istiraatiijiyada nafaqada Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Xukuumada Fedralka Soomaaliya ayaa daah-furtay istiraajiyadda Nafaqada Soomaaliyeed ee shanta sano ee soo socota taasoo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Kulanaan wada-tashiga ah ayaa waxaa dib loogu eegayay Qorshahaan istiraatiijiyada Nafaqada dadka Soomaaliya ee mudo shan sano ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayadoo ay ka qayb galeen masuuliyiinta wasaarada Caafimaadka dowlada dhexe,kuwa maamul goboleedyada,khuburo Caafimaad iyo qabo kale oo Bulshada ka mid ah.
Agaasimaha waaxda Caafimaadka guud ee Wasaarada Cafimaadka dr Axmed Adan ayaa sharaxaya ahmiyada qorshahaan iyo heerarkii uu soo maray.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka mid ah golaha shacbiga Soomaaliya ayaa wasaarada Caafimaadka ku bogaadiyay howshaan wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamay in la helo siyaasad cad oo lagu hago nafaqaynta dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Drs Foziya Abiikar Nuur ayaa hoosta ka xariiqday muhiimada ay leedahay in siyaasadaan laga wada qayb qaato ayadoo xaqiijisay inay wasaarada xooga saarayso sidii loo dhaqan galin lahaa.

 

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo wefdi uu hoggaaminaayey oo socdaal shaqo ku joogay wadanka Cummaan, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaasi waxayna ka wada hadleen ganacsiga iyo Caafimaadka xoolaha.

Wasiirka Ganacsiga iyo wafdigiisa ayaa masuuliyiinta dalkaas kala hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka Ganacsi ee u dhaxeeya labada wadan gaar ahaan Xoolaha nool, waxaana ay isku afgarteen in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada xoolaha iyo caafimaadkooda si looggu dhoofiyo Suuqyada Gobalka iyo kuwa Caalamka intaba.

Wasiiradu waxa kaloo ka wada-hadleen in la helo is-Afgarad u dhaxeeya labada Wasaaradood oo la xiriira a arrimaha Ganacsiga iyo Warshadaha.

Ugu dambeyn waxay isla soo hadal-qaadeen in labada dal ay isku xiraan dhallinyarada leh hibada hal abuurka Ganacsi maadaama ay haystaan dhallinyaro aad u badan oo ku wanaagsan Ganacsiga casriga ah ee Tiknoolojiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here