Kulanka golaha fulinta ee ururka KNUT oo dib loo dhigay

Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ayaa sheegay in dib loo dhigay kulan la doonayay inuu yeesho golaha qaran ee fulinta ee dalladdan.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in shirkan uu qabsoomo 29-ka bishan sideedaad.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee ururka KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xubnaha golaha fulinta aynan wax fadhi ay yeelan doonin.
Mr. Sossion ayaan faahfaahin ka bixin sababta uu go’aankaasi u qaatay balse waxaa uu xubnaha KNUT ku wargeliyay oo keliya in kulankii qorsheysnaa uunan qabsoomi doonin.
Sido kale xoghayaha guud ee ururka macallimiinta dalka ayaa xusay in taariikhda iyo goobta uu shirku ka dhici doono in dib laga soo sheegayo.
Waxaa uu dhanka kale raaligelin ka bixiyay wax waliba oo jahawareer oo saameyn ah oo ka dhashay tallaabada uu qaaday.
Xubnaha golaha fulinta ee KNUT oo ka kooban 39 ayaa lagu waday inay go’aan ka soo saaraan xilka uu hayo Mr. Sossion maadaama dhawaan loogu baaqay inuu xafiiska banneeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here