Kulanka iskaashiga Amniga Caasimada oo lagu qabtay degmada Hiliwaa.

Saraakiisha Ciidamada Amaanka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Xalay ka shiray qorsha iskaashiga amaanka Caasimada waxaana kulankaasi lagu qabtay Degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sudiga amaanka Caasimada iyo sida wada jir looga qayb qaadan karo,waxaana lagu daahfuray Barnaamij iskaashi dhanka amniga ah oo ay shan degmo ka qayb qaadanayaan.
Degmooyinka Barnaamijkaan ka qayb qaadanaya ayaa kala ah Shibis,Boondheere, Yaaqshid,C/casiis iyo Hiliwaa,
Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaari Maxmed C/laahi Tuulax ayaa faahfaahin ka bixiyay Barnaamijka iskaashiga amniga ee ay ka qayb qaadanayaan shan degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here