DHAGEYSO:Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo furmay

Waxa goordhow furmay kulanki 1-aad ee kalfadhiga 6-aad ee golaha shacabka ,kooramka ayaa soo xaadirtay 152 xildhibaan
Waxaa shir gudominaya gudomiyaha Golaha Shacabka mudane maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman
Ajendaha kulanka ayaa ah hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo akhrinta 1aad ee heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye ilaalinta hidda dhaqameedka & midka dabiiciga.
Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku wargaliyay Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Muqdisho in aan loo ogolaan doonin in ay warar kasoo tabiyaan xarunta Golaha Shacabka.
Qaar ka mid ah Wariyeyaaha Muqdisho ayaa sheegay in Guddoonka baarlamaanka ay sheegeen in aan la ogoleyn Warbaahinta Madaxa banaan in ay soo gudbiyaan wararka ku saabsan Golaha Shacabka.
Wariyaasha ayaa ka warbixinaya waxyaabaha ay la soo kulmeen marki ay tageen xarunta Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here