Kulankii Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka oo la faahfaahiyay

Madaxweynahaa Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya wadanka Soomaaliya danjire Donald Yamamoto.
Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamuud ayaa diirada lagu saaray Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka.
Gudoomiyaha gobolka Gedo iyo sidoo kale Madaxwweynaha Jubbaland ayaa la wadaagay Xaaladdaha dowladda dhexe ka abuurtay gobolka Gedo sidda ay wararku sheegayaan.
Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka uga mahad celiyay Tageerada ay Ciidamada Jubaland ka siiso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here