Kumanaan ka mid ah shacabka Hong Kong oo dibadbaxyo sameeyay

Kumanaan qof oo ka mid ah shacabka Hong Kong ayaa maanta isugu tagay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka dalkaasi iyagoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan shuruuc dhawaan la soo saaray.
Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya inaan lagu tallaabo qaadin soojeedin ah in dadka wadankaasi ee la eedeeyo loo tarxiili karo Shiinaha si halkaais loogu maxkamadeeyo.
Waxay ku doodayaan in tallaabadaasi ay Hong Kong ka dhigeysa mid aan madax bannaaneen.
Mid ka mid ah dadka sida weyn ugu ololeeya arrimaha bulshada ee Hong Kong horayna xildhibaan u soo noqday Leung Kwok-hung ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu cabsi gelinayo dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here