Kumannaan qof oo Kenyaan ah oo taageero u muujiyay qaxootiga

Kumannaan qof oo u dhashay dalka ayaa ka qeyb galay socdaalka labaad ee sannadlaha ee badbaadada oo ay soo qabanqaabiso hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR kaasi oo taageero loogu muujiyo dadka dalalkooda hooyo ka soo qaxay.
Ololahan ayaa loogu magacdaray LuQuLuQu waxaana looga gol leeyahay in indhaha caalamka loogu soo jiido caqabadaha ay wajahayaan dadka soo barakacay.
Sido kale waxaa la doonaya in wax looga beddelo fikradaha dadweynaha ay ka qabaan qaxootiga iyadoo dhanka kale la soo bandhigayo dabar adeeggooda ku aaddan xaaladaha adag ee soo foodsaaro.
Dowladda Kenya ayaa marti gelinaysa in ka badan 475,000 oo qaxooti ah halka ku dhawaad boqolkiiba 80 ee tiradan ay yihiin carruur iyo haween.
Wakiilka UNHCR ee Kenya Fatxiya Cabdalla ayaa sheegtay inay aad uga heshay heybadda , awoodda iyo hiigsiga dadka qaxootiga ah.
Ololahan iyo socdaalka qeybta ka ah ayaa sannadkii hore laga billaabay magaaladatani Nairobi waxaana xilligaasi ka qeyb galay 1500 oo qof.
Wacyigelinta arrimahan ku aaddan ayaa sido kale lagu qabtay wadamada Somalia, Ghana, Burkina Faso, Senegal iyo Koonfur afrika.
Tirada dadka ugu badan ee guriyahooda ay duruufaha sida colaadaha ay ka soo saareen ayaa ku nool qaaradda Afrika.
Sannadkii 2018-kii ayay ahayd markii warbixin la soo saaray lagu sheegay in ugu yaraan boqolkiiba 35 ee tirada caalamka oo u dhiganta 70.8 milyan ay barakaceen.
Dhaqaalaha ka soo xaroodo socdaaladan ayaa loo adeegsadaa in gurmad degdeg ah loogu fidiyo barakacayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here