KUPPET oo sheegtay in dugsiyo badan aysan u diyaar garoobin la tacaalidda COVID19

Ururka macallimiinta dalka ee KUPPET ayaa sheegay in kastoo berri dib loo furayo fasallada qaar , in badan oo ka mid ah dugsiyada wadanka inaysan si buuxda u diyaarin waxyaabaha looga hor tagaya faafitaanka cudurka COVID19.
Qodobadan waxaa ka mid ah inay jiraan goobo ardayda , macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee dugsiyada ku filan oo ay gacmaha ku dhaqan karaan.
Sido kale waxaa la doonaya in la dhimo ardayda wax ku baranaya fasallada si aynan aad isugu dhawaan.
Xoghayaha fulinta ee KUPPET Robert Miano ayaa dowladda ka dalbaday inay maamulayaasha dugsiyada ku wareejiso lacago ay si gaar ah ugu adeegsan karaan in dhakhaatiir laga howlgeliyo xarumaha waxbarashada.
Waxaa uu xusay inaynan suurtagal ahayn in macallimiinta lagu daayo wax ka qabashada arrimaha caafimaad oo aynan takhasus u lahayn.
KUPPET ayaa sheegaysa in dugsiyada aysan weli dowladda ka helin lacago loogu talagalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here