Kuuriyada Koonfureed oo lacag siinaysa qoysaska danyarta ah

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in lacag dhan hal milyan oo u dhiganta 816 doolar ay siin doonto qoysaska dhaqaalahoodu hooseeya.
Sido kale bisha soo socoto ayaa lagu wadaa in dalkaas uu soo saaro miisaaniyad dheeraad oo loo adeegsan karo caabuqa Coronavirus ee dunida saameeyay.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ,Moon Jae-in ayaa maanta sheegay inay qaadayaan tallaabooyin dhowr ah oo lagu badbaadinayo dhaqaalaha .
Kaddib kulan uu la qaatay xeer dejiyaasha arrimaha dhaqaalaha ayuu madaxweynaha xusay inay guda galayaan bixinta lacag gargaar ah si loo fududeeyo culeyska ay la timid musiibada taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here