Kuuriyada Koonfureed oo laga diiwaangeliyay 594 oo ah kiisaska cusub ee Coronavirus

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa shaaca ka qaadday in la diiwaangeliyay kiisas cusub oo la xiriira caabuqa Coronavirus kuwaasoo gaaraya 594.
Waxay tani ka dhigeysa in tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee ilaa iyo hadda lagu arkay wadankaas ay yihiin 2,931 iyadoo saddex qof oo kale oo haween ah ay cudurkaasi u dhinteen taas guu ka dhigeysa tirada dhimashada 16 qof.
In ka badan 90 boqolkiiba kiisaska cusub ayaa waxay laga soo tabiyay magaalada Daegu, oo ah xarunta uu cudurka ka soo bilowday ee dalka Kuuriyada Koonfureed.
Dhanka kale Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa qiimeyn ay ku sameysay caabuqa coronavirus ku tilmaantay inuu khatar sare ku hayo dunida.
Balse WHO ayaa sheegtay in weli ay jirto fursad wax looga qaban karo caabuqa haddii laga hor istaago faafitaanka.
Madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sidoo kale sheegay in cabsi iyo xog khaldan oo xanuunka ku saabsan ay yihiin cabaqadda ugu weyn ee ay tahay in wax laga qabto.
In ka badan 50 dal ayaa haatan soo weriyay kiisas caabuqa coronavirus ah.

Ilo laga soo xigtay waaxda caafimaadka Iiraan ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 210 qof ay u dhinteen caabuqa. Tiradan ayaa lix jeer ka badan tan ay shaaciyeen saraakiisha dowladda.
Shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada Geneva, ayaa Dr Tedros wuxuu ka sheegay in inta badan kiisaska wax laga qaban karo, isla markaana aa wax caddeyn ah loo heyn in caabuqu uu si fudud ugu dhex faafayo bulshada.
Guud ahaan dunida, in ka badan 80,000 oo qof ayuu ku dhacay caabuqa. Ilaa 2,800 ayaa u dhimatay – oo badankood ku sugan gobolka Hubei ee dalka Shiinaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here