Kuuriyada Koonfureed oo qafiifinaysa tallaabooyinka qaar

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in laga billaabo 6-da bishan shanaad la fududeyn doono qaar ka mid ah amarrada horay loogu dhawaaqay si loo xakameeyo faafitaanka caabuqa coronavirus.
Waxaa ka mid ah in dadka aynan aad isugu dhawaan.
Qaar ka mid ah ganacsiyada dalkaas ayaa dib loo furayaa.
Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaysa inay si weyn u xakameysay coronavirus sida laga soo xigtay ra’iisul wasaare Chung Sye-kyun .
Sido kale dadweynaha ayaa si tartiib ah loogu ogolanaya inay isugu tagaan goobaha kala duwan in kastoo laga doonaya inay raacaan shuruudda la dejiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here