Kuuriyada Koonfureed oo u yeertay safiirkeeda Japan

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu soo warramayaa inay u yeertay safiirkii ku matalayay dalka Japan.
Tallaabadan ayay ku muujinaysa sida ay uga xumaatay tallaabadii Japan ay liiska maqaamka ganacsi leh uga saartay xukuumada Seoul.
Go’aanka Japan ayaa maanta oo arbaco ah dhaqangalaya waxaa uuna ku soo aadaya iyadoo labada dal uu ka dhexeyo Isfahan waa’ siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankeeda qaadday tallaabada Japan mid la mid ah waxayna meesha ka saartay heshiis ay wada galeen oo ku saabsanaa inay wadagaan xogta sirdoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here