Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha iyo Japan oo yeelanaya kulan ku saabsan Coronavirus

Wasaaradaha caafimaadka ee dalalka Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha iyo Japan ayaa sheegay inay yeelan doonaan kulan qaab online ah oo looga hadlaya caabuqa coronavirus.
Waxay saddexdan dhinac isla eegi doonaan sida ay isaga kaashan karaan la tacaalidda cudurka covid-19 ee dunida saameeyay.
Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee dalalka dariska ah ee dhaco bariga qaaradda Aasiya tan iyo intii fayraska la soo tabiyay dhammaadkii sannadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here