Kuuriyada Waqooyi oo hakisay qorsho milatari oo ka dhan ahaa Kuuriyada Koonfureed

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay meesha ka saartay qorsho ku aadanaa in ciidan milatari ay u adeegsato Kuuriyada Koonfureed.
Tani ayaa timid kaddib kulan uu yeeshay guddiga dhexe ee maamulka milatariga wadankaas waxaana shir guddoominayay madaxweynaha dalkaas Kim Jong Un.
Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ayaa ku warramaysa in shirka sido kale looga hadlay ka hor tagga dagaal dhex maro labada dhinac.
In kastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin qodobbada ka soo baxay shirka waxay wararku sheegayaan in xaaladda hadda taagan qiimeyn lagu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here