Kuuriyada waqooyi oo Japan ka dalbatay magdhow

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa dowladda Japan ka dalbatay inay magdhow bixiso kaddib markii mid ka mid ah doomaha kallumeysiga uu burbur ku yimid.
Doontaasi ayaa degtay isniintii la soo dhaafay kaddib markii ay isku dhaceen mid shidaal oo laga leeyahay Japan.
Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa ku warramaysa in afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Pyongyang uu sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid si ula kac ah ay Japan u sameysay.
Hasa ahaate Japan ayaa dhankeeda sheegaysay in shilkaasi uu yimid kaddib markii doonta Kuuriyada Waqooyi ay si lama filaan ah u soo kala wareegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here