Kuuriyada Waqooyi oo la sheegay inay diyaar u tahay wada hadal kala dhaxeeya Maraykanka

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay diyaar u tahay inay wada hadallo la yeelato Maraykanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la doonayo in raja wanaagsan laga muujiyo dib u soo nooleynta wada xaajoodkii ku saabsanaa nukliyeerka.
Mr.Moon ayaa sheegay in xukuumadda Pyongyang aynan weli isaga tagin miiska wada hadalka.
Sido kale waxaa uu tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday uu ku sheegay warqad uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu dhawaan u soo diray dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.
La taliyaha aqalka cad ee dhanka amniga Robert O’Brien ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay la xiriirtay Waqooyiga Kuuriya sidii dib loogu billaabi lahaa kulamadii lagu doonayay in meesha looga saaro adeegsiga hubka nukliyeerka oo labada dal ay in muddo ah isku hayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here