Kuuriyada Waqooyi oo tiijaabisay gantaallo

Kuuriyada Waqooyi waxay arroornimadii hore ee saaka tijaabisay labo kamid ah gantaallada nooca baaliistiga ah, sida ay sheegeen militariga Kuuriyada Koonfureed.
Gantaaladda ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay waxay kasoo gantay deegaanka Wonsan, waxaa uu ku dhacay dhinaca bari ee badda.
Militariga Kuuriyada Koonfureed waxay sheegeen in gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay jareen masaafo dhan 250 Kiiloomitar .
Wasiirka gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed Jeong Kyeong-doo waxaa uu sheegay in gantaalladan ay ka duwan yihiin kuwii ay horey u tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here